Allbanaadir.com
NEWS

Dilka Hardeep Singh oo Sabab u noqday in Khilaaf xooggan ka dhax curto Hindia iyo Canada

Hindiya ayaa dalkeeda ka ceyrisay dublamaasi sare oo Canadian ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Delhi ayaa sheegtay in go’aankeeda uu ka tarjumayo waxa ay ugu yeertay welwelka sii kordhaya ee ku aaddan faragelinta diblomaasiyiinta Canada ee arrimaha gudaha ee Hindiya.

Hadalkan ayaa yimid saacado kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Canada uu ku dhawaaqay in dublamaasi u dhashay dalka Hindiya la eryay.

Khilaafka diblumaasiyadeed ee sii kordhaya ayaa salka ku haya sheegashada Canada ee ah in wakiilada dawladda Hindiya laga yaabo inay ku lug lahaayeen dilkii, bishii Juun ee sanadkan, loo gaystay nin u dhaqdhaqaaqi jiray arrimaha bulshada Sikh Hindiya ee dalka Canada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Hardeep Singh Nijjar.

Ninkaan dilkiisu waxaa uu ka dhacay gobolka British Columbia ee dalka Canada.

Hindiya ayaa eedeyntaas ku tilmaantay mid aan caqli gal ahayn. Mareykanku wuxuu muujiyay “walaac qoto dheer” oo ku saabsan eedeymaha Canada wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in dambiilayaasha la horkeeno cadaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo qaabilay diblomaasiyiin u yimid indho idhaynta Doorashooyinka (Sawirro)

Cabdi Cade

Askar la sheegay iney ka soo goosteen Cabdirashiid Janan oo tiradooda la shaaciyey

Caydiid Ali

Dagaalkii Dhuusamareeb oo sii xoogeystay iyo ciidamada ATMIS iyo kuwa Gorgor oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---