Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Indha Qarshe oo Wasiirka Difaaca u sheegay in aan furinta dagaalka looga baahneyn

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay ku sugnaa furumaha hore ee dagaalka deegaannada Galmudug, si uu u hoggaamiyo howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo ka hadlay howlgalka socda ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga aan looga baahneyn furinta dagaalka, waxa uuna xusay in wasiirka aysan doorkiisa aheyn in uu furinta joogo.

Jeneraal Indha Qarshe ayaa kula taliyay wasiirka gaashaandhigga in furinta dagaalka uusan sii joogin, waxa uuna ugu baaqay in doorka dagaalka uga dambeeyo una dhaafo taliyaasha ciidamada hoggaaminaya.

“Wasiirka Gaashaandhiga loogama baahna furinta dagaalkka howlo badan oo laga rabay ayaa baaqanaya, taasi sax maaha, taliyaha xoogga dalka ayaan laga rabin xitaa furinta inuu tago, furinta rag baa u jooga taliye horin baa jooga, taliye guuto ayaa jooga” ayuu yiri Jeneraalka

Jeneraalkan labo mar soo noqday taliyaha ciidanka xoogga dalka qibrad badana u leh hoggaaminta dagaalka ayaa sheegay si looga adkaado kooxda Al Shabaab loo baahan yahay in dagaalka loo howlgaliyo saraakiisha taqaan deegaannada howlgalku ka socdo.

Hadalkan Jeneraal Indha Qarshe ayaa kusoo aadaya xilli wasiirka gaashaandhigga muddo bil ka badan ka maqan yahay xarunta wasaaradda uuna joogo furumaha hore ee dagaalka , si uu u hoggaamiyo howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Digniin laga soo saaray safarka Xamse ee Laascaanood iyo Beesha Caalamka oo…

Cabdi Cade

DF oo shaacisay arrin cusub oo lagu kordhiyey dabaaldegyadii maalmaha Xoriyadda

Caydiid Ali

Warbaahinta Kenya: Ciidankii Cabdi janan way ku jabeen dagaalkii B/xaawo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---