Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ururo Soomaali ah oo ku shiray Magaalada AMSTERDAM [VIDEO NEWS]

Waxaa shalay Magaalada Amsterdam ee dalka Netherland ku shiray ururada Soomaalida ah ee ku middeysan dalladda “Isutagga Ururada Soomaalida ee Nederland” oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN.
Dalladda FSAN,  oo ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaali ah oo ka dhisan Nederlands, waxaa la aasaasay 1994-tii, iyada oo Guddiga dalladda oo la doorto saddexdii sanno halmar ay ka shaqeeyaan isku xirka Jaaliyadaha Soomaalida & Dowladda Nederland & Sidoo kale wacyigelinta mushtamaca Soomaalida.
Kulankii shalay waxaa lagaga hadlayay qoddobo ay ka mid yihiin:-
1] Miisaaniyada ururka
2]Qiimeyn lagu sameynayay waxyaabihii ururka u qabsoomay muddada sannadka & barka ah ee ay shaqeynayeen guddiga cusub.
3] Eegista & ansixinta 2 urur oo ku soo biiray dalladda.
4] Balaarinta xubnaha guddiga oo markii hore ahaa 5 oo laga dhigay 7.
 & qoddobo kale.
Guddoomiyaha dalladda Maxamed C/llaahi [Askari], Guddoomiye ku-xigeenka C/qaadir Nuune, Xisaabiye C/wahaab Yariisow & Maxamed Cusmaan [Guurre] ayaa xubnihii metalayay ururada si guud ugu faahfaahiyay qoddobadii laga hadlayay.
Ururada ayaa ansixiyay in la ballaariyo Guddiga, waxaanna ku soo biiray saddex xubnood oo kala ah:
Cali Amiin
Raaxo C/shakuur Cilmi
HOOS KA DAAWO VIDEOW-GA KULANKA.

Related posts

Ciidamada Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay kooxda Al-shabaab

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo eedeymo culus u jeedisay dhigeeda Kenya iyo Jabuuti

Caydiid Ali

Madaale oo kormeeray Mashaariic ka socota Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---