Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo xilka ka qaaday labo taliye ciidan kuwa cusubna magacaabay (Akhriso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta.

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay maanta oo Isniin ah, 18-ka Sebteembar 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Related posts

Shacabka Muqdisho Qaarkood oo Naceyb xoogan u Muujiyay Madaxweyne Farmaajo !!

Cabdi Cade

Taliyaha Ciidanka XDS oo degmada Ceeldheer ka bilaabay abaabul dagaal (Sawirro)

Caydiid Ali

Xubin Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Bamboyinka oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---