Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalyahan ka soo goostay Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka Nabad Sugida (Sawirro)

Dagaalyahan ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidanka heyadda Nabad sugida Koonfur galbeed ee ku sugan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Cadow Xasan Cabdi Cali ayaa la soo xiriiray Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Xudur, Waxaana uu la soo goostay qori AK-47 ah iyo booshkiisa.

“Caddow ayaa Argagixisada kaga biirey 2013 Degmada Xudur isagoo tababar ku qaatay Galgaduud, Waxaana uu ka mid ahaa  qeybta loogu yeero jabhadaha. isaggoo ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo ka kala dhacay Gobolada Dalka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay heyadda NISA.

Waxaa uu warbaahinta u sheegay inuu soo goostay ka dib markii uu fahmay dhibaatooyin uu sheegay iney kooxdan ku heyso shacabka, isagoo saaxibadiis kale ee al-shabaab ka tirsan ugu baaqay inay isaga soo baxaan.

Al-Shabaab ayaa waxaa saaran culeys ka dhashay guluf dagaal oo ay ku qaadeen ciidamada DF iyo kuwa beelaha oo iskaashanaya, kaasoo kooxda ay ku weysay degaano badan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Related posts

Axmed Madoobe oo cabsi soo wajahday iyo Mooshin cuusb oo lagu dhawaaqay (Video)

admin

Maxkamadda G/Banaadir oo raadineysa Cabdinaasir Nuur Cali oo dambi lagu soo eedeeyay

Cabdi Cade

Gaari sahay kala duwan u waday Al-Shabaab oo la qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---