Ciidanka xoogag dalka oo kaashanaya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo kawada deegaanno katirsan gobolka Mudug, waxa ayna ciidamada deegaannadaasi jab ku gaarsiiyeen kooxda Al Shabaab.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab uu gaarey dhaawac aysan weligooda ka soo kaban doonin, waxa uu xusay in xubno badan laga dilay kuwa badana dhaawacyo la gaarsiiyay.
”Khawaarijta waxaa gaarey dhaawac aysan weligooda ka soo kaban doonin, waxeyna waayeen kumannaan ay soo khaldeen oo ay ku jiraan boqolaal mujrimiin madax u aheed maleeshiyaadkooda. Waxaa meel la kala geeyo la layahay dhaawacooda oo ay intooda badan dhameystiraan naftana dhaafiyaan, Waxay waayeen maal badan oo ay shacabka ka baadi jireen, ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.
Waxa uu intaa ku daray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya in ay luntay kalsoonidii Al Shabaab ee dhaxdooda taalay, waxa uuna xusay in ay marayaan heer ay kala shakiyaan ayna dagaallamaan maalin kasta dhaxdooda.
Dhinaca kale wasiirka ayaa ku tilmaamay ayaan darro in ay jiraan dad ku hadlaya afka Al Shabaab oo niyada u dhisaya kooxdan marka la dhibaateeyo, sidoo kale tilmaamay in dadkaasi doonayaan in ay niyad jabiyaan ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka.
”Waxaa ayaan-darra ah in la arko dad afku-khawaarij ah oo shaqo ka dhigtay in ay niyadda u dhisaan argagixisada beentoodana faafiyaan. iyaga oo dhanka kale ka shaqeynaaya in ay qalbiga ka xumeeyaan mujaahidiinta ciidamada qaranka iyo shacabka geesiyaasha ah. Kuwaas waxaan leennahay موتوا بغيظكم caradiinna iyo calool xumadiina la dhinta oo u dhinta, waligeedba gafanayaal gun ah oo qarannimo iyo gobannimo dhadhankeeda garaneynin waa jiri jiree” ayuu yiri wasiirka.
Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka xoogga dalka guulo wax ku ool ah ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay deegaanno dhaca gobolka Mudug, halkaas oo kooxda Al Shabaab muddo sannado ah heesteen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com