Allbanaadir.com
NEWS

Xukun Dil ah oo goordhaw Goob fagaare ah lagula fuliyay Shariif Abshir Jini Jini

Fagaare kuyaalla degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa goordhaw xukun dil ah lagula fuliyay askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka, oo si bareer ah u dilay askari kale oo kala tirsanaa ciidanka.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dhawwaan xukun dil ah ku riday Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (Jini Jini), kaa oo gudaha Xarardheere ku dilay Saacid Cali Cabdi oo isna katirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Ninkan xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa la sheegay in si bareer ah madaxa xabbad uga dhuftay askari kale oo ka dalbaday in uu joojiyo xabbado uu suuqa Xarardheere ku dhax ridayay si uusan u qal qal gelin shacabka.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horey sidan oo kale xukunno dil ah ugu riday askar katirsan ciidanka xoogga oo siyaabo kala duwan dilal u geestay askar ay ciidanka kawada tirsanaayeen iyo dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka DF & dadka degaanka oo saaka Al-shabaab ku weraray degaanka Max’ed Xassan

Caydiid Ali

Baarlamaannada dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo wada shaqeun dhaw yeelanaya

Cabdi Cade

Dowlada oo diiday Codsi layaab leh oo ka yimid hogaanka sare ee Ahlu Sunna !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---