Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad lagu qiinmeeyay 80-Milyan Dollar oo bur burtay iyo baadigoob socda

Diyaarad Dagaal oo nooceedu ahaa F-35 Fighter Jet ayaa shalay galab ku burburtay meel ku dhow magaalladda Charleston ee Gobalka South Carolina ee dalka Mareykanka.

Waaxda Difaaca ee Mareykanka waxay dadka Deegaanka ka codsadeen in lala baadigoobo burburka Diyaaradaasi, oo markii u dambaysay dul sabaynaysay meel ku dhow harooyinka Lake Moultrie iyo Lake Marion ee W/Galbeed ee magaalladda Charleston.

Duuliyihii Diyaarada burburtay ayaa shilkan ka bad baaday, waxaana la sheegay in uu diyaarada ka booday isaga oo adeegsanaya baarashuud, xaalada duuliyaha ayaana hadda lagula tacaalayaa xarun caafimaad.

Dhinaca kale, kooxaha gurmadka deg dega ayaa la sheegay inay haatan ka shaqeynayaan helitaanka diyaaradaasi dhacday oo ah nooca uusan Raadaarku arki Karin ee Jiilka 5-aad ee F-35B Lightning II Jet.

Diyaaradan nuuca dagaalka ah ee bur burtay ayaa waxaa farsameysay shirkadda Lockheed Martin, waxaana socda baaritaano la xariira waxa sababay bur burka diyaaradan oo lagu qiimeeyay lacag dhan 80 milyan oo Dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan shiikh oo kulan la qaatay safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobey (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad shacab ah oo lagu laayey wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Balcad

Caydiid Ali

Rooble oo xaliyay Khilaaf soo kala dhax galay Labo Wasiir katirsan Xukuumadiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---