Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Itoobiya oo si adag u beenisay warkii kasoo baxay Al Shabaab shaacana ka qaaday…

Dagaal culus oo saacado badan socday ayaa shalay deegaanno katirsan gobolka Bakool ku dhax maray kolonyo ciidamo Itoobiyaan oo safar ahaa iyo dagaalyahannao katirsan kooxda Al Shabaab oo jidka u galay.

Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ku kala jeeday magaalooyinka Waajid iyo Xudur ayaa siyaabo kala duwan jidka loogu galay, waxa ayna ciidankan dagaal adag kala kulmeen dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab.

War kasoo baxay kooxda Al Shabaab ayey ku sheegeen in dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Bakool ciidamada Itoobiya uga dileen 167-askari, sidoo kale halkaasi ku bur buriyeen gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah ay wateen ciidamada Itoobiya.

Safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay sheegashada kooxda Al Shabaab, waxa uuna safiirka sheegay in kooxdaasi aysan awoodin in daqiiqado xitaa la dagaalamaan ciidankooda.

“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya. Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya; ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya.” ayuu yiri safiirka.

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo kumanaan kun oo katirsan howlgalka ATMIS kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale jira ciidamo kale oon howlgalka qeyb ka aheyn balse siyaabo kale u jooga gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo ka digay Aargudasho Al Shabaab sameeyaan

Cabdi Cade

Jabuuti oo casuuntay hogaamiyaha SSC Khaatumo

Caydiid Ali

Ciidamo huwan ah oo howlgal ka sameeyay Deegaano ku dhaw dhaw Jamaame (Sawirro)

Cabdi Cade