Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga qabsaday Dalalka Mali, Niger & Burkina Faso oo heshiis amni kala saxiixday

Mali, Niger iyo Burkina Faso, oo ah saddex wadan oo Galbeedka Afrika ayaa saxiixay heshiis amni oo ay ku balan qaadeen inay isu gargaari doonaan midba midka kale haddii ay dhacdo wax fallaago ah ama duulaan dibadeed oo lagu soo qaado sadexdaas dal midkood

Saddexda waddan oo dhowaan ay ka dhaceen afgembiyo xukunka loo tuuray dowladihii rayidka ahaa ayaa la daalaa dhacaya sidii ay u xakameyn lahaayeen kooxaha Islaamiga ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo daacish.

Inqilaabkii ugu dambeeyay ee Niger ayaa horseeday khilaaf hor leh oo u dhexeeya saddexda dal iyo dalalka ku bahoobay ururka dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika, ee ECOWOS kuwaasoo ku hanjabay inay awood u adeegsan doonaan soo celinta xukunka dastuuriga ah ee dalkaas.

Mali iyo Burkina Faso ayaa wacad ku maray in ay u gurman doonaan Niger haddii la soo weeraro.

“Waxaan maanta la saxiixday madaxda dalalka Burkina Faso iyo Niger Axdiga Liptako-Gourma ee lagu dhisayo Isbaheysiga Waddamada Saaxil, ujeeddaduna tahay in la dhiso qaab difaac wadareed iyo mid is-caawin,” ayuu yiri hoggaamiyaha Mali Assimi Goita.

Dhammaan saddexda dawladood waxay xubno ka ahaayeen ciidamada isbahaysiga G5 Sahel ee ay France taageerto ee Chad iyo Mauritania, oo la bilaabay 2017 si ay ula dagaallamaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee gobolka.

Xiriirka Faransiiska iyo saddexda gobol ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay afgambiga.

Faransiiska ayaa lagu qasbay inuu ciidamadiisa kala baxo dalalka Mali iyo Burkina Faso, waxaana hadda dagaal adag uu kala dhaxeeyaa ciidamada milateriga ee Niger, kadib markii ay ka codsadeen inay la baxaan ciidamadooda iyo safiirkooda.

Related posts

Axmed Madoobe oo siyaabo aan looga baran uga hadlay dacwada Badda Somalia & Kenya

Caydiid Ali

(Akhriso) Guddiga doorashada K/Galbeed oo shaaciyey kuraas beri la dooranayo

Caydiid Ali

War cusub oo kasoo kordhay Liiska Masuuliyiinta Mareykanka kusoo rogay xayiraada Socdaalka

Cabdi Cade