Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir ka tirsan DF oo gaaray mid ka mid ah degaanadii maanta laga saaray Al-shabaab (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad, taliye ku xigeenka ciidanka lugta ee Xoogga dalka Jen. Cabdullaahi Aadan Xuseen ayaa gaaray Magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo saaka laga saaray al-shabaab

Mas’uuliyiin gaaray ayaa kormeeray guud ahaan magaaladda Bacaadweyne ee gobolka Mudug iyo fariisimaha ciidamadu ka sameysteen banaanada magaalada.

Howlgalka saaka lagu xoreeyey Bacaadweyne iyo Qeycad ayaa lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsan al-shabaab, iyadoo tiro intaa ka badanna lagu dhaawacay sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Mas’uuliyiinta Warbaahinta kula hadlay magaalada Bacaadweyn ayaa sheegay in Al-shabaab khasaare xooggan lagu gaarsiiyey isla markaana aan looga hari doonin meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Related posts

Xabaal ay ku aasan yihiin Boqolaal caruur ah oo laga helay Magaalada Huanchaco (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliska New York oo galay Jaamacadda Columbia farriin hanjabaad ahna diray

Cabdi Cade

Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri dib u doorashada Dhigiisa Emmanuel Macron?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---