Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Shiikh Aadan Madoobe oo hal arrin uga mahad u celiyey dowlada Pakistan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray Munaasabada Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ka dhacday Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Garoonka Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aqoonsiga qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshada dhexdeeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xaqiijinta iyo damaanad qaadka amniga, bixinta adeegyada, shirkadaha, arrimaha doorashooyinka dalka, maalgashiga, iyo  muwaadiniinta Soomaaliyeed si damaanad leh ay adduunka ugu safri karaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo ka hadlay xiritaanka munaasabadda barnaamijka diiwangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee qaranka, ayaa ammaanay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadnaqay Jamhuuriyadda dalka Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka (World Bank) iyo UNDP.

Guddoomiyaha ayaa qaatay  Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, waxaana ugu dambeyn hadiyado lagu guddoonsiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Pakistan iyo madax kale oo goobta marti ku ahaa.

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo amar siiyay Saraakiisha Hay’addaha Amniga (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Musharaxiinta oo Magacaabay Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka dalka

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Mr. Atul Khare iyo wafdi uu horkacayo (Sawirro)

Caydiid Ali