Beesha Gaaljecel oo kamid ah beelaha dega deegaannada maamulka Hirshabelle ayaa maanta magaalada Baladweyne kusoo bandhigay ciidamo badan iyo gaadiid dagaal oo qeyb ka noqonaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Ciidankan iyo gaadiidka dagaalka ayaa goobta lagu soo bandhigayay waxaa ku sugnaa guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale, waxa ayna ciidanka kula dardaarmeen in ay qeyb ka noqdaan xureynta deegaannada beesha degto.
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in beesha Gaaljecel diyaar u tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in ciidankan lasoo bandhigay iyo kuwa kalaba dagaal la gali doonaan kooxda Al Shabaab.
Beelaha Soomaaliyeed ee dega maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa wada abaabulo dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna beelahan doonayaan in deegaannadooda ka saaraan kooxda Al Shabaab.
i