Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa maalintii labaad ka socda duleedka degmada Mahaday ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, gaar ahaan jiinka wabiga.
Sida aan wararka ku heleyno ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa caalami ah ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaaday dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab oo ku sugnaa degaannada,Oobaale iyo Ciid-ciidka oo dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane,Daa’uud Aweys Jaamac , oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay howlgalka ka socda Shabeelaha Dhaxe.
Waxa uusheegay wasiirka in howlgalkan uu bilowday shalay ilaa haatana uu ka socdo deegaanno dhaca wajibiga jiinkiisa, waxa uuna xusay in howlgalka qeyb ka yihiin diyaarado dagaal oo duqeymo la beegsanaya kooxda Al Shabaab.
Dhinaca kale wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka Al Shabaab ka saareen deegaanno ay kamid yihiin Bacaadweyn, Qeycad iyo Qodqod oo kawada tirsan gobolka Mudug.
Wasiirka ayaa sheegay in howlgalka Al Shabaab looga saaray deegaannadan lagu gaarsiiyay jab xooggan, waxa uuna xusay in xubno badan Al Shabaab looga dilay dagaalka, sidoo kale looga qabsaday baabuur nuuca dagaalka iyo hub kala duwan.
Ugu Dambeyn wasiirka ayaa ballan-qaaday in dib ka faah faahin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee Al Shabaab lagu gaarsiiyay howlgalada wali ka socda gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Mudug.