Diyaarad ay leeyihiin ciidamada dalka Talyaaniga ayaa ku bur burtay magaalada Turin, waxaana shilkaasi diyaaradeed ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo aad looga naxay.
Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa ku warantay in diyaarada bur burtay xilli ay sameeneysay dhoolo-tus, waxaana la xaqiijiyay duuliyihii diyaarada waday uu si dirqi ah uga bad baaday shilkaasi.
Inta la xaqiijiyay shilka waxaa ku dhintay gabar yar oo shan sanno jir ah , waxaana dhaawac halis ah uu soo gaaray wiil kale oo 9-sanno jir ah iyo aabaha iyo hooyada carruurtan oo iyana la sheegay in dhaawacyo gubasho ah soo gaaray.
Duuliyaha diyaarada ayaa la sheegay in uu ka booday diyaarada kahor inta aysan dhicin, waxaana diyaarada la sheegay in ay ku dul dhacday gaari ay la socdeyn qoyska waxyeelada xooggan uu shilkan kasoo gaaray.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa shilkan ku tilmaamay musiibo xun, waxa uuna ku baaqay in baaritaano deg deg ah lagu samreeyo waxa sababay holkan diyaaradeed.