Allbanaadir.com
NEWS

Galmudug oo War kasoo saartay Guulo ay gaareen ciidanka Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa fariin hambaliyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug ka dib qabashadi Saakay ee degmada Bacaadweyne

Madaxweynaha ayaa aad u soo dhoweeyey guulaha is dabajooga ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca shacabka, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay ka sameynayaan xoreynta dalka.

Madaxweyne Ciid ayaa ku amaanay ciidanka xooga, kuwa difaaca shacabka iyo daraawiishta Galmudug geesinimada iyo nafhuriida ay sameeyeen labadii cisho ee la soo dhaafay, si gaar ahna xoreynta Degaanada Bacaadweyne, Qeycad, Shabeelow ,Xinlibi ,Galxagare ,Hul-doonyaale ,Sargo,Qodqod iyo camaara.

Ciidanka xoogga dalka oo gacan ka helaya kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ay ku baacsanayaan Al Shabaab ka wasa gobolka Mudug.

 

Related posts

Villa Somalia oo diyaarisay qorshe lagu wiiqayo Mucaaradka & taliyaha Danab oo..

Caydiid Ali

Dad ka badan toban qof oo isku beel ah oo lagu dilay weerarkii Hotelka Xayaat (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo Qorshayaal cusub maleegeysa kadib fashilka Shirkii Afisiyooni !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---