Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al Shabaab oo hadda socda

Wararka ka imaanaya degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxda Al Shabaab iyo ciidamo katirsan milatariga dowladda Itoobiya.

Sida aan wararka ku helnay kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca xuduuda dalkaasi, kuna sii jeeday dhinaca degmada Waajid  ayaa lagu weeraray deegaanka Boocco oo ku dhaw degmada Rabdhuure.

Dagaal culus oo u dhaxeeya labada dhinac ayaa ka socda duleedka Rabdhuure, dadka deegaanka ayaana ku waramaya in ay maqlayaan hubka culus ay is dhaafsanayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa kooxda Al Shabaab.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al Shabaab, waxaana wali aaga dagaalka ka socdo laga maqlayaa hub culus.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal kooba  uu soo dhigay ku sheegay in kooxda Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda duleedka Rabdhuure.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada Somalia oo laalay go’aan uu horey uga qaatay ONLF iyo Qalbi dhagax

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga dalka oo Al-shabaab ku weeraray duleedka degaanka Budbud

Caydiid Ali

Ronaldo oo Sabab u noqday in kooxdiisa Bahdisho Ciyaaryahan Muslim ah oo Wacdaro dhigayay

Cabdi Cade