Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Huwan ah oo goordhaw la wareegay Magaalooyinka Bacaadweyn iyo Qaycad

Ciidanka xoogga dalka oo gacan ka helaya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn iyo Qaycad oo katirsan gobolka Mudug.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada dhowr jiho ka galeen magaalooyinkan oo isaga baxeen kooxda Al Shabaab, kaddib markii Al Shabaab lagu jabiyay dagaal culus ay la galeen ciidanka.

Ciidamada huwanta ah ayaa hadda isku fidinaya magaalooyinkan ay ka saareen kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada wadaan howlgalo miino baaris ah iyo sidoo kale baaritaano ay magaalooyinkan ka sameenayaan .

Wararka kale aan heleyno ayaa sheegaya in kooxda Al Shabaab isaga baxeen magaalada Camaara oo katirsan isla gobolka Mudug, waxaana magaalada ku wajahan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Jabkan saaay ku dhacay kooxda Al Shabaab ayaa imaanaya xilli shalay dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanka Qodqod oo difaac u ahaa magaalooyinkan looga dilay xubno badan ,sidoo kale looga qabsaday gaadiid nuuca dagaalka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya oo Dhoolotus cajiib ah maanta sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo dhaqan geliyay Miisaaniyadda maamulkiisa ee sannada 2023-ka

Cabdi Cade

Farmaajo oo la sheegay in Dastuurka iyo Danta Qaranka uu kala weyn yahay Fahad Yaasin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---