Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo si kulul uga hadashay talaabo ay qaadeen xubno ka tirsan DF (Akhriso)

Maamulka Somaliland ayaa cambaareeyey socdaal ay dhawaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyo madax Puntland ahi ku tageen Laascaanood.

War saxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu sheegay xad gudub socdaalka ay masuuliyiintu ku tageen magaaladaa Laascaanood ee gobolka Sool.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag u cambaaraynaysaa gardarada iyo xad-gudubyada cad ee ay ku kaceen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda Puntland”.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

WAR-SAXAAFADEED

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag u cambaaraynaysaa gardarada iyo xad-gudubyada cad ee ay ku kaceen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda Puntland. Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale walaac xooggan ka qabta joogitaanka Al-Shabaab ee Laascaanood.

Hargeysa-16-September, 2023- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cambaaraynaysaa socdaal ay dhawaan xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo maamul goboleedka Puntland ka tirsan ay ku yimaadeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ka mid ah gobolada Jamhuuiryadda Somaliland. Booqashadani waa daandaansi cad oo meel ka dhac ku ah midnimada dhuleed ee Somaliland, iyada oo socdaalkani xad-gudub ku yahay qaranimada Somaliland, isla markaana wiiqaya nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay marar badan caddaysay in colaadda Laascaanood ay dad aan u dhalan deegaanka Laascaanod oo  shisheeye ahi  ay huriyaan si ay khalkhal u galiyaan xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo doonaya in ay sameeyaan soohdimo qabiilnimo ku dhisan si ay Meesha uga saaraan xuduudaha la yaqaano ee Jamhuuriyadda Somaliland leedahay oo ay Qaaradda Afrika ku heshiisay in la dhawro.

Daandaansiga ka dhanka ah Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay halis gelinaysaa xasiloonida mandaqadda Geeska Afrika oo muhim u ah xasiloonida caalamka.

Xukuumadda Somaliland waxa ay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso madaxbanaanideeda, qaranimadeeda,  iyo nabad-gelyada mandaqada ay ku taallo.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland waxay si weyn uga walaacsan tahay khataraha ka iman kara kooxaha argagagixisad ee Al-shabaab iyo xulafadeeda oo isku balaadhinaya magaalada Laascaanood iyaga oo qorsheynaya in ay saldhig cusub ka samaystaan gobolka Sool taasi oo khatar weyn ku ah  Geeska Africa fududaynaysana in ururada argagixisada ah ay sii xoojiyaan falalka xagjirnimada iyo amni darada ah ee ay gobolka ka wadaan.

Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland cid kasta oo khatar ku ah Somaliland iyo Geeska Afrika.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Related posts

Milateriga Sudan oo digniin adag siiyey dadka weli dibed-baxyada dhigaya

Caydiid Ali

Shirkad Maraykan ah oo magdhow Milyan dollar gaaraya siineysa shaqaale Soomaali ah

Caydiid Ali

Dugsiga Al Xusari oo Wargelin Muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---