Dowlada Somalia ayaa war ka soo saartay howlgal Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ay Al-shabaab kaga qabsadeen degaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.
“Hawlgalkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, iyada oo sidoo kale cadawga looga gubay afar gaari, lagana qabsaday labo gaari iyo hub badan” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowlada Somalia.
“Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ku jira hawlgalka sifeynta ayaa maleeshiyaadka Khawaarijtu waxa ay isku dayeen in ay dagaal kala hortagaan dhanka deegaanka Qodqod ee ku yaalla duleedka magaalada Camaara, waxaana halkaas loogu gaystay cadawga jab xooggan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay DF
HOOS KA AKHRISO WARKA OO DHAMEYSTIRAN