Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo dagaal culus looga saaray degaanka Qodqod & goobo kale oo ka tirsan..

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal  ay sameeyeen kula wareegay deegaanka Qodqod ee ku yaala duleedka magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka huwanta ay si buuxda ula wareegeen degaankaan iyo deegaano kale oo dhowr ah, iyagoo kaabiga ku haya magaalada Camaara oo ah fariisinka ugu weyn Al-shabaab ee gobolka Mudug.

Deegaannada ilaa iyo hadda gacanta lagu dhigay ayaa kala ah Xiin-labi, Maarsa-mage, Galxagare, Hul-doonyaale, Sargo, iyo Qodqod

“Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ee ku jira howlgalka sifaynta Khawaarijta ee Galmudug ayaa waxaa ka go’an dhamaystirka ciribtirka Khawaarijta” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

“Khawaarij cashar ayaa loo dhigay maanta, wax badan ayay ka sheekayn doonaan waxa ka dhacay maanta Sargo ilaa iyo Qodqod oo ku yaalla Afka hore ee magaalada Camaara” ayuu yiri sarkaalkan oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka

Related posts

Xubno lagu tuhunsan yahay Daacish oo lagu qabtay Bosaaso (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Xukuumadda oo doorasho diid ku eedeeyay Madaxweyne hore

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga Qaranka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---