Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo qaatay kaarka Aqoonsiga, kuna baaqay.. (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada oo maanta qaatay kaarka Aqoonsiga daweynaha.

Xassan Shiikh ayaa ka hadlay muhiimada aqoonsiga uu u leeyahay kobcinta amniga, sare u qaadida maamul wanaaga dowliga ah iyo ganacsiga.

Waxaa uu sheegay in aqoonsi la’aanta ay dhibaato badan ku heyso bulshada Soomaaliyeed, haatan wixii ka dambeeyana ay yaraan doonaan.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. ayuu yiri Madaxweyynaha.

a’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasoo ay ka mid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA IYO SAWIRRO

Related posts

Federaalka fasahaaday ee Soomaaliya iyo Dhibaatooyinka ka dhalan kara !!

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Doorashada Kenya iyo Ra’ila Odinga oo rajo beel ku dhacday

Cabdi Cade

Shir Amaanka looga hadlayay oo ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade