Gudoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowaan gaaray Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Feysal Cali Waraabe oo qoraal kooban soo qoray barta Twitter ayaa hadallo kulul hawada u mariyay siyaasinta Soomaaliya ee gaaray magaalada Laascaanood oo dhowaan dagaal looga saaray ciidamada Somaliland.
“Waftigii Xamar ka yimid ee Laascanood tagay waxba ka beddeli maayaan xuduudaha Somaliland, riwaayaddii iyo rayn rayntu waxay dhawaan isu rogi doontaa ilmo iyo riyo” ayuu yiri.
Waxaa uu ku hanjabay in Somaliland ay dhowaan dib u qabsan doonto goobihii laga saaray.
“Somaliland waxay dhowaan dalka ka saari doontaa duullaanka waxashnimada Laascaanood lagu qabsaday, waxaanay sugi doontaa dhammaan xuduudaheeda.” ayuu intaas ku daray
Wasiirka isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliifn iyo wafdu uu horkacayo ayaa dhowaan gaaray magaalada Laascaanood iyagoo sheegay in ay u kuur galayaan xaaladda magaalada.