Diyaarado dagaal oo loo maleenayo in ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ayaa saakay oo Sabti ah duqeymo culus ka geestay deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale oo ku dhaw dhaw.
Sida aan xogta ku heleyno diyaaradaha dagaalka ayaa duqeeyay deegaanka Ceel-lahelay oo shalay Al Shabaab weerar kusoo galeen, waxa ayna ciidamada beegsadeen gaadiidkii ay wateen Al Shaaab iyo goobo kale ay ku sugnaayeen.
Saraakiil katirsan dowladda oo magacooda qariyay ayaa sheegay in duqeynta lagu bur buriyay gaadiid badan ay wateen Al Shabaab ay ku jiraan kuwa ay shalay ku qabsadeen weerarkii deegaanka Ceel-lahelay.
Dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada Mareykanka Africom ayaan wali ka hadlin duqeynta ka dhacday deegaanka Ceel-lahelay iyo khasaaraha lagu gaarsiiyay dagaalyahannada kooxda Al Shabaab.
Duqeyta ka dhacday deegaanka Ceel-lahelay oo dhawwaan ciidanka dowladda ka saareen Al Shabaab ayaa timid ,kaddib markii Al Shabaab halkaasi shalay galab weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaadeen.