Allbanaadir.com
NEWS

Tiktok oo lagu ganaaxay 350-Milyan oo Dollar iyo Dambiga lagu heesto oo la shaaciyay

Shirkadda Tiktok ee aadka u isticmaalaan dhallinyarada caalamka ayaa cadaadis xooggan kala kulmeysa qaar kamid ah waddamada Yurub, kuwaa oo u yaalla xeerar iyo sharciyo adag lagula soconayo baraha bulshada.

Hay’adda dhowrista xogta dadweynaha ee dowladda Ireland ayaa dacwad kusoo oogtay shirkada Tiktok, waxa ayna hay’adan oo Tiktok ku heshay in ay xad-gudubyo sameysay ku xukumay sanaax lacageed oo aad u sareysa.

Tiktok ayaa lagu helay dacwado la xariira  sida ay shirkadu u maareysay xogta carruurta da’da yar ee adeegsata TikTok iyo sida ay xogtaas u istimaashay shirkada, waxaana baaritaano dheer kaddib shirkadda lagu helay xad-gudub.

Hay’adda dhowrista xogta dadweynaha ee dowladda Ireland ayaa shirkadda Tiktok ku xukuntay bixinta lacag dhan 350-milyan oo dollar, lacagtan ayaana noqoneysa ganaaxii lacageed ee ugu badnaa ee lagu xukumo shirkadaha baraha bulshada.

Afhayeen u hadlay Shirkada TikTok ayaa sheegay in aysan aqbalneyn go’aanka iyo ganaaxa lacageed ee lagu riday, waxa uuna xusay afhayeenka in xukunkan uu yahay mid hal dhinac ah oon aan sharci aheyn ayna ka qaadanayaan racfaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Danjire Danjire Cali Cabdi Awaare oo lagu soo dhaweeyay xarunta Jaamacadda Carabta (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqeymo lagu hoobtay oo saaka waaberigii ka dhacay caasimada Kyiv & meelo kale (Sawirro)

Caydiid Ali

Dab xooggan oo goordhaw ka kacay suuqa degmada Xamarweyne iyo dedaalo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---