Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo magacaabay Wakiilka maamulkiisa u joogaya dalka Kenya

Wareegto kasoo baxday xalay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu magacaabay wakiil la sheegay in maamulka Jubbaland u joogayo dalka Kenya.

Axmed Madoobe ayaana u magacaabay Mudane Sadik Abdullahi Bogale in uu noqdo wakiilka rasmiga ah ee dowlad goboleedka  Jubaland u jooga dalka Kenya, waxa uuna ninkan u shaqeyn doonaa sida safiir.

Magacaabista wakiilka Jubbaland ee dalka Kenya ayaana hadal heyn badan ka dhalisay baraha bulshada, waxa ayna dad badan layaab ku tilmaameen in Jubbaland oo katirsan dowladda federaalka ay wakiil gaar ah u magacawda Kenya.

Halkan ka akhriso wareegtada magacaabista

Tix-raac:XM/DGJS/045/2023

UJEEDDO: MAGACAABIS WAKIILKA DOWLADDA JUBALAND U JOOGA DALKA KENYA.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Jubaland,Cutubkiisa 4aad,Qodobka 72aad , Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

Markuu Latashaday:- Madaxweyne ku-xigeenada Dowladda Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Dowladda Jubaland u magacaabay Mudane Sadik Abdullahi Bogale
Wakiilka Dowladda Jubaland u Jooga Dalka Kenya.

Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

.

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo xariga ka jaray Xarun Wasaarad oo dib u dhis lagu sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dab xooggan oo goor dhow qabsaday dhisme ku yaalla Suuqa Bakaaraha

Caydiid Ali

Somalia: US Redeployment Should Stress Civilian Protection

Cabdi Cade
Taboola Ads ---