Sida uu qoray Wargeyska The Wall Street Journal (WSJ), Dowladda Maraykanka waxay go’aansatay in la hakiyo Gargaar Dhaqaale oo la siin lahaa Dowladda Masar, sababo la xiriira Tacadiyada Xuquuqda Aadanaha ee ka dhaca dalkaasi.
Sarkaal Maraykan oo la hadlay Telefishinka Al Arabia ayaa sheegay in 30 milyan oo ka mid ah Dhaqaalihii la siin lahaa Dowladda Masar loo weeciyey oo lagu taageerayo Ciiddanka Hubeysan ee dalka Lubnaan ee LAF (The Lebanese Armed Forces).
Tallaabadan ay Dowladda Maraykanka Deeqdii Dhaqaale ee la siin lahaa Dowladda Masar ugu weecisay Milliteriga dalka Lubnaan ayaa waxay timid, kadib, markii uu Maamulka Madaxweyne Biden shalay oo Arbaco ahayd uu Kongareeska ku wargeliyey in 85 million oo Dollar ee Milliteriga Masar loo qoondeeyey laga weecinayo sababo la xiriirta Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ee dalkaasi.
Wargeyska The WSJ oo markii u horeysay shaaciyey Go’aankaasi ayaa waxaa Lacagta Masar laga wareejiyey loo qorsheeyey in loogu deeqo Dowladda Lubnaan iyo Jesiirada Taiwan.
30 milyan oo Dollar waxaa la siin doonaa Milliteriga dalka Lubnaan, halka 55 milyan oo Dollar la siin doono Jesiirada Taiwan.
Isniintii la soo dhaafay, Taliyaha ugu sareeya Milliteriga Maraykanka ka jooga Mandiqada Bariga Dhexe, General Erik Kurilla waxa uu booqday Caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut, isagoo la kulmay Taliyaha Ciiddanka hubeysan ee Lubnaan (LAF), General Joseph Aoun.
W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar