Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa usoo qaadday waddanka Spain wiil yar oo dhamaan xubnaha qoyskiisu ay ku geeriyoodeen dhul-gariirkii ka dhacay waddanka Morocco, halkaas oo uu gurigoodu ku dumay laakiin uu isagu b adbaaday.
Abdul Rahim Awhida oo ay da’diisu tahay 14 jir, ayaa adduunyada oo dhan ay la murugootay markii uu telefishannada kasoo muuqday isaga oo xidhan garanka Real Madrid oo indhihiisa ay qoysay ilmadu, isla markaana hadalka kasoo baxayay ay oohinta qalbigiisa ka imanaysay kala goynaysay.
Waxa uu Abdul Rahim Awhida la hadlayay telefishanka Al Arabiya, waxaana dadkii daawaday ka mid ahaa masuuliyiinta Real Madrid oo isla markiiba la xidhiidhay telefishankaas oo iyaguna ku xidhay Abdul Rahim Awhida adeerkii.
Real Madrid ayaa waxay usoo qaadday Abdul Rahim Awhida magaalada Madrid oo ay ku dartay kulliyaddeeda da’yarta oo uu ka ciyaari doono.
Abdul ayaa waxa dhul-gariirka Morocco kaga geeriyooday aabbihii, hooyadii, laba wiil oo ay walaalo ahaayeen iyo awoowgii, kuwaas oo ka mid noqday kumanaan qof oo ku dhintay dhul-gariir cabbirkiisu ahaa 6.8 Magnitude oo dalkaas ka dhacay Jimcihii.