Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Maxaas kana bilaabay abaabul dagaal (Sawirro)

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo saraakiil la socota ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas uu durba ka bilaabay abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa degmada Maxaas kula kulmay xildhibaanno katirsan baarlamaanka federaalka, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo saraakiil milatari iyo kuwa dadka deegaanka.

Taliyaha ayaana kala hadlay masuuliyiinta iyo saraakiisha uu la kulmay sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan bariga gobolka Galgaduud, gaar ahaan howlgalka ku wajahan degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoostaga.

Waxa uu taliyaha warbixino ka dhageestay xildhibaannada katirsan baarlamaanka federaalka ee Maxaas iyana u jooga abaabulka dagaalka iyo saraakiisha ciidanka, waxa uuna u sheegay in dowladda diyaarisay howlgal saf balaaran oo ka dhan ah Al Shabaab.

Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa ku diyaarsan ciidamo badan oo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka , waxa ayna ciidankan sugayaan in ay qaadaan howlgal lagu xureenayo Ceelbuur iyo deegaannada hoostaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen iyo Wasiir C/qaadir oo labo ujeedo u tagay degmada Diinsoor (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu C/raxmaan C/shakuur kala hadlay Wasiirada lix dowlad goboleed?

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo Xil u magacawday Fanaanka Caanka ah ee Nimcaan Hilaac

Cabdi Cade
Taboola Ads ---