Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka booliiska oo bad baadiyay nolosha labo wiil oo halis ku jiray (Sawirro)

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada xeebaha ayaa maanta duhurkii ku guuleestay in ay soo bad baadiyaan nolosha labo wiil oo la sheegay in baddu qaaday xilli ay dabaalanayeen.

War kasoo baxay booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in labadan wiil baddu ka qaaday agagaarka Akademiyada ciidanka booliiska ee Kaahiye, gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Yardimeli.

Booliiska ayaa lagu soo war-galiyay labada wiil ee baddu la tagtay, waxaana ciidamo katirsan booliiska ilaalada xeebaha oo doon watay ku guuleesteen in ay si deg deg ah ugu gurmadaan una soo bad baadiyaan labadan wiil ee baddu qaaday.

Ciidanka booliiska ayaan soo saaray labada wiil ee baddi qaaday, waxa ayna booliiska wiilashaasi ku wareejiyeen ehelkooda, booliiska ayaa sidoo kale soo helay wiil kale oo geeriyooday ,kaa oo ay sheegeen in badda horey u qaaday.

Muddooyinkii dambe waxaa soo badanaya dhallinyarada badda u taga dabaasha ee ku dhinta, waxaana xeebaha qaar ee dhallinyarada u dabaal-tagaan ka jira qataro nolosha dhallinyaradasai halis galin kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkada Buruuj oo si sharci ah ku yeelatay dhul lagu qabsaday oo ku yaala Jaziira (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka oo qabsaday Markab ay leedahay Kuuriyada Woqooyi & Xiisad laga cabsi qabo

Caydiid Ali

Nabadeyntii laga dhex waday Galmudug & kooxda hubeysan ee Ahlusuna oo fashilantay

Caydiid Ali