Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood lagu dilay saraakiil katirsan Al Shabaab.
War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay howlgalkan ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhaxe lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo lagu qarxiyay gaari ay wateen oo nuuciisu ahaa Noah.
Xubnaha dowladda Soomaaliya xaqiijisay in howlgalka lagu dilay waxaa kamid ah Salaad Dheere oo kamid ahaa xubnaha ugu sareeya ee ammarka ka qaataan jabhada Al Shabaab ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Horjooge Cabdullaahi Ciilow, ayaa isna dowladda sheegtay in uu madax u ahaa kooxda katirsan Al Shabaab, waxaana ninkan ka amar qaadanayay in ka badan 300-dagaalyahan oo katirsan kooxda Al Shabaab.
Ragga dowladda dishay ayaa waxaa sidoo kale ku jiray nin magaciisa lagu soo koobay Shucayb, waxa uu ninkan ahaa ninka dabagalka u qaabilsan Horjoogeyaasha iyo dagaalyahannada Al Shabaab ka hawlgala gobolka Shabeellaha Dhexe.
Horjooge Cabdullaahi Xuseen Qodax (Cabdullaahi Madoobe), ayaa isna la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu sidoo kale ka hawlgali jiray gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Dowladad Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay saraakiisha Al Shabaab ee weerarka lagu dilay uu ku jiray nin magaciisa lagu sheegay Bagaax, ninkan ayaa isna Al Shabaab u qaabilsanaa weerarada lagu qaado deegaannada Daarunimca iyo Cali Haleel.
Xubnaha kale ee dowladda sheegtay in howlgalka ka dhacay duleedka Ruunirgood lagu dilay waxaa kamid ah Saylici,Axmed Maxamed Xerow iyo Nadiir, raggan ayaa dhammaan katirtsanaa saraakiisha hoose ee kooxda Al Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey usoo bandhigtay magacyada iyo sawirrada saraakiil kale oo kooxda Al Shabaab looga dilay weeraro iyo sidoo kale howlgalo ka dhacay gobolada dalka qaarkood.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com