Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Bilad geesinimo oo la siiyay Axmed Fiiqane & Max’ed Cumar oo qarax isku dhigay

WAR- SAXAAFADEED

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye wuxuu heerka ugu sarreysa ee billad geesinimo guddoonsiiyey Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi  oo maanta naftooda u huray badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacaneey.

Dawlada Galmudug waxay si buuxda u kafaala qaadaysaa qoyska iyo ubbadka naftii hurayaasha, waxayna waalidka dhalay uga mahad naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.

Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyska Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi  oo uu sheegay iney naftooda u hureen badbaadinta madaxda Galmudug, Xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacaneey.

“Axmed Fiiqane waxuu naftiisa u huray si uu u fashiliyo falka argagaxiso, wuxuuna badbaadiyey boqolaal kale oo dhamaan laheyd oo ay ku jiraan madax iyo masuuliyiin sare. Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

– Dhammaad-

Related posts

(Sawirro) Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay goob ay ka socotay xuska Mowliidka Nebiga NNKH

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Casho sharaf uu caawa Sameeyay Abiy Ahmed

Cabdi Cade

Maxaa Kibirkii Uhuru Kenyatta Jibiyey Maxuuse Ka Qaban Karaa Abiy Axmed?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---