Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka soo goostay Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa saaka isku soo dhiibay ciidamada dowlada ee jooga gobolka Bakool.

Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sano ah  ka tirsanaa Al-shbaab ayaa saaka isku soo dhiiiibay Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

“Horjoogahaan oo Khawaarijtu ugu yeerto Malaag UK ayaa  u qaabilsanaa daaweynta maleyshiyaadka” ayaa lagu qoraal lagu baahiyey warbaahinta DF.

Waxaa uu sheegay sababta uu uga soo baxay ay tahay  in al-shabaab meel walba oo ay joogaan ay cabsida ku saa’ideyso kala shaki badan oo dhexdooda ahna uu soo batay.

“Qofkii la tuhmo waa la qaarijinaa sidaas darteed ayaan anigoo ka faa’iideysanaya Cafiska dowladda uga soo baxay” ayuu yiri Yuusuf Malaag.

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo si weyn uga xumaatay War kasoo baxay Hay’adaha ICRC iyo SRCS

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Guddoomiyay shir arrimo muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Nicholas Haysom oo Khudbad ka jeedinaya Shirka golaha amaanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---