Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Waa kuma askariga fashiliyey qaraxii lagu weeraray Madaxda sare ee Galmudug?

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay tuulada Laas Gacamey oo u dhaxaysa degaanada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug halklaasoo ay ku sugnaayeen madaxda sare ee Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Dad ku sugan Wisil ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan, isla markana lagu weraray goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada, iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka daraawiishta Galmudug oo magaciisa lagu sheegay Axmed Fiiqane uu fashiliyey qaraxaas oo loo waday in lagu laayo Madaxweynaha Galmudug iyo madaxda la socotay.

“Markii uu arkay gaariga qaraxa waday oo Buruuf ahaa (Nooca aaney rasaastu karin) kuna soo socday dhanka dhismaha ay ku jireen madaxda waxaa lagu furay rasaas markiiay kari weysay ayuu Axmed Fiiqane qaatay gaari Cabdi cabdi ah, kana horgeeyey gaariga qaraxa waday, halkaas ayuuna ku geeriyooday, wuxuuna naftiisa u huray gudashada waajibaadkiisa iyo badbaadinta madaxdiisa” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Galmudug oo dhacdadan ka hadlay.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Galmudug Jeneral Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa xaqiijiyay geerida labo askari oo ka tirsan madaxtooyada Galmudug iyo dhaawaca askar kale.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyska Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi  oo uu sheegay iney naftooda u hureen badbaadinta madaxda Galmudug, Xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacaneey.

“Axmed Fiiqane waxuu naftiisa u huray si uu u fashiliyo falka argagaxiso, wuxuuna badbaadiyey boqolaal kale oo dhamaan laheyd oo ay ku jiraan madax iyo masuuliyiin sare. Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka

Senator Cabdi Qaybdid ayaa waxaa soo gaaray kaliya dhaawac ka yimid dhagax guri uu hurday kasoo dhacay. Sidoo kale, Xidhibaan Dhabancad ayaa sheegay inuu gacanta ka soo gaaray dhaawac sahlan.

“Ciidanka Soomaaliya ayaa fashiliyay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa oo Argagixisadu saaka ay ku soo weerareen deegaanka Laas-gacamay oo hoos taga magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay DF.

 

Related posts

IMF oo Shaacisay in Dowladda Soomaaliya ka gudubtay Shuruudo badan oo lagu xiray

Cabdi Cade

Soomaaliya oo dalal Carbeed kala hadashay deymaha ay ku leeyihiin dalkeena (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaano kasoo jeeda Puntland oo War kasoo saaray Dagaalkii ka dhacay Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---