Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Akhriso) Doorashadii Madaxweynaha Galmudug ee Cadaado oo muddo kooban dib loo dhigay

Qoraal ka soo baxday Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Magaalada Cadaado ee ayaa waxay shaaaca kaga qaadeen Jadwalka cusub ee doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa markii hore Doorashada Madaxweynaha cusub iclaamiyey inay dhacdo 30-ka Bishan September oo beri ku beegan balse haatan dib ayaa loo dhigay, waxayna dhici doontaa 6 Bisha soo socota ee October 2018-ka.

Dhowaan ayey aheyd markii xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Cadaado ay shaaciyeen iney xilkii ka qaadeen Madaxaweyne Xaaf inkastoo uu ku gacan seyray.

Dhinacyada khilaafku u dhexeeyo Galmudug oo dhinacba dhinaca kale uu ku sameeyey xilka ka qaadis ayaa iska dhega tiraya baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa iney yimaadaan Muqdisho, si loo furo wadahadalo lagu xalinayo khilaafka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo shuruudo adag ku xirtay ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Farmaajo

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho: “Laga bilaabo beri mashaqeyn karto bajaaj aan laheyn sumada A iyo B”

Caydiid Ali

Madaxweyne Lafta Gareen oo si heer sare ah Muqdisho loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---