Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax caawa ka dhacay Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kaasoo daryankiisa laga maqlay guud ahaan magaaladaas iyo nawaaxigeeda
Qaraxan oo nooca uu ahaa aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa lagu weeraray guri ku yaalla magaaladaas oo ay daganaayeen Ciidamo Macawisley ah oo ku heyb ah Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha dhexe.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ku dhawaad Shan qof ay ku geeriyootay qaraxan dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, kuwaasoo dhamaantood ka tirsanaa ciidanka macawisleyda ee lala beegsaday oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel.
Laguma guuleysan in gacanta lagu dhigo raggii ka dambeeyey qaraxaas sida ay wararku nagu soo gaarayaan inkastoo ciidamada amaanka magaalada ay wadaan howlgalo baaritaano ah.
Laamaha amaanka maamulka Hirshabelle iyo kuwa magaalada Jowhar ayaan ka hadlin qaraxan oo ah kii ugu horeeyey ee bilahan ka dhaca magaaladaas.