Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wiil 6 sano jir Soomaali ah oo ku guuleystay tartan heer caalami ah (Daawo Sawirro)

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa Arbacadii shalay aheyd abaal-marin guddoonsiisay wiil Soomaali ah oo lix jir ah oo sawir gacmeed uu sameeyay ku muteystay inuu ka mid noqda 10-kii qof ee ugu sarreeyay ee ku guuleystay tartanka midibeynta ee “Riyadeydii” kaasi oo ay iska kaashadeen xoghaynta guddiga daba-galka Shiinaha ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika iyo hawlgalka Shiinaha ee qaarada Afrika.

Wiilkan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Kawkib Maxamuud ayaa abaal-marintii ugu horreysay ku helay sawir-gacmeed uu ka sameeyay qoolley, kaasoo ka mid noqday 10 sawir oo lagu soo bandhigay saldhigga hawada sare ee Tiangong ee dalka Shiinaha.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Marwo Nuura Mustaf Guudow ayaa ugu hambalyeysay wiilkaan dhalinyarada ah sida wanaagsan ee uu dalkiisa u matalay, isla markaana uu ugu guuleystay tartanka, iyadoo sheegtay in haddii carruurta la dhiirigeliyo ay natiijo wanaagsan ka keeni karaan fagaarayaasha caalamiga ah.

“Sharaf ayay ii tahay inaan goobjoog ka ahaado munaasabaddan dhiirri-gelinta ah, sawirka wiilka ayaa ku guuleystay tartanka, waxaana lagu soo bandhigay saldhigga hawada sare ee Shiinaha, wiilasheenna iyo gabdhaheenna waxay gaari doonaan booskaas iyo riyadaas,” ayay tidhi.

Waxa ay u mahadcelisay safaaradda Shiinaha, oo fursad tan lamid ah siisay dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed.

Hal-abuurka iyo bandhigga wiilkan yar ayaa sidoo kale soo jiitay mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Ibraahim Nuur Axmed oo ah la taliyaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

“Waxaan aaminsanahay in dhacdooyinka noocaan oo kale ah ay soo saaraan hal-abuurnimada carruurta oo ay siiyaan madal ay ku muujiyaan waxa ay adduunka ka doonayaan, waxaan ku faanayaa in farshaxankiisa lagu dhejiyay Saldhigga hawada sare ee Shiinaha,” ayuu yidhi Cumar Maxamuud.

Aabaha dhalay wiilkan, ayaa sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay dhammaan ummadda Soomaalida iyo inta kale ee ay isku jinsiyadda yihiin.

“Dareenkeyga eray kuma cabbiri karo, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan arko fanka wiilkeyga oo guuleystay kuna guuleystay tartanka iyo in uu ka mid noqdo tobanka qof ee ku guuleystay tartanka midibeynta ee uu Shiinahu qabtay bishii March ee sanadkan, Kawkib waa qof hal abuur leh. Wuxuu jecel yahay inuu mustaqbalka noqdo duuliye,” ayuu yidhi Aabbaha wiilkaan yar.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao ayaa ugu hambalyeeyay wiilkan dhalinyarada ah ee ku guuleystay tartanka farshaxanka, isagoo sheegay in sawir gacmeedkiisa uu muujinayo riyada nabadda ee dadka Soomaalida ah.

“Wiilku wuxuu sawiray qoolley, astaan u ah nabadda iyo xasilloonida, qof kasta oo dunida ku nool wuxuu u baahan yahay nabad, nabadda adduunkana ayaana muhiim u ah dhammaan aadanaha,” ayuu yidhi Fei.

Munaasabadan ayaa kusoo beegmeysa labo todobaad un kadib markii safaarada Shiinaha ay xaflad sagootin ah u sameysay in ka badan 30 arday oo fursado waxbarasho ka helay jaamacadaha Shiinaha. Labadan dowladood ayaa waxaa ka dhaxeeyay xidhiidh saaxiibtinimo oo soo jireen ah tan iyo markii ay xiriir diblomaasiyadeed sameysteen 14-kii December 1960-kii, lix bilood oo kaliya kadib markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumeystihii.

Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah ugu soo kabanaysa dagaallo daba dheeraaday, shaqsiyaadka fanka ayaana marar badan farshaxankoodu ku muujiyay baahida loo qabo bulsho wada jirta iyo dal xasilloon.

Xigasho:BBC

Related posts

Cali Guudlaawe oo xariga ka jaray shan Mashruuc (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad oo la soo saaray

Caydiid Ali

Madaxda dowlada oo Kumanaan shacab ah kula tukaday Masjidka Cali Jimcaale (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---