Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo eedeyn yaab leh u jeedisay Madaxweyne Xassan Shiikh

Puntland ayaa sheegtay in dowladda federalka Soomaaliya aysan istaraatiijiyad ka lahayn dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab ee ka socda bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka inay burburisay ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaasoo uu sheegay inay ku filnaayeen burburinta Al-Shabaab.

“Ciidan fara badan oo tababaran oo dhallinyaro u badan, oo xaalad kaste iyo cimilo kaste lagu tababaray, oo shan kun gaaraya ayaa Eritrea laga keenay. Shantaas kun ayaa Shabaab ka adkaa, haddii si fiican loo maamulo,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu sheegay in dowladda federalku  dayacday ciidankeeda, isagoo sheegay in maalin kasta uu ay meel cidlo ah ku leyso Al-Shabaab.

“Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dowladdiisu ayaa masuul ka ah istaraatiijiyad la’aanta lagu laynayo ciidanka dowladda” ayuu yiri wasiirka

Dowladda federalka ayuu sidoo kale ku eedeeyey inaysan Puntland la wadaagin xogaha Al-Shabaab, isagoo xusay Puntland inay halis ugu jirto dagaalyahanada Shabaab ee soo baxsanaya howlgallada ka socda gobolada dhexe inay ku soo dhuuntaan degaanadooda.

Related posts

Weerar ciidamada Israel ka fuliyeen Koonfurta Lubnaan oo dhimasho sababay

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Boqorka Sacuudiga oo deg deg xilkii uga qaaday Shiikh C/raxmaan Al-Sudeysi (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---