Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda Soomaaliya oo meel marisay heshiisyo iyo is-afgarad lala galay labo Dowladood

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka cadowga Khawaarijta looga sifeynayo dalka.

Waxaa sidoo kale shirka goaha wasiirrada maanta yeesheen lagu meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaariijta gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh oo ay ku muujinayaan in hadda la gaaray xilligii la iska tuuri lahaa heeryada Khawaariijta dhiig miiratada ah, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay qaataan doorkoodo codkoodana kor u qaadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo eedeymo cusub u jeedisay Masuuliyiinta dowlada federaalka

Caydiid Ali

Farmaajo oo laga diiday in Ciidamada Danab u adeegsado joojinta Banaan bixii Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka hadlay geerida Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---