Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Malaayiin Dollar madaxiisa dul-dhigay Hoggaamiye sare oo katirsan Al Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale lacag malaayiin dollar ah dul dhigtay madaxa hoggaamiye katirsan kooxda Al Shabaab, kaa oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir,

Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $3 milyan la siin doono cid kasta oo keenta macluumaad ku hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan.

“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $3 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Cabdikadir Maxamed Cabdikadir. Cikrama waa hogaamiye sare oo Al-Shabaab ka tirsan, waxaana uu soo noqday madaxa howlgallada iyo saadka.” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka.

“Cabdiqaadir waxa uu sidoo kale agaasimay qorshe hore oo weerar oo al-Shabaab. Wuxuu isku duba ridey qorista dhalinyarada Kenyaanka ah inay Al-Shabaab ku soo biiraan oo wuxuuna abbaanduule u ahaa ciidamada Al-Shabaabka Kenyaanka ee ka dagaalama Soomaaliya” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacago malaayiin ah u dul dhigay xubno kamid ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay hoggaamiyaha guud ee kooxdaas, ninka lagu magacaabo Axmed Diiriye Cali oo loo yaqaan Abuu Cubeyda, kaasoo mar kale madaxiisa la dul-dhigay abaalmarin lacageed oo dhan illaa $10 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

 

Related posts

Xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Caydiid Ali

Kooxda Daacish oo ka hadahay dilkii Mareykanka u geesteen Jeneraal Qaasim Sulemani

Cabdi Cade

Rabshado lagu diidan yahay xariga Imran Khan oo ka dhacaya Pakistan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---