Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhigga oo baaq u diray Dadkii kunoolaa Deegaan uu hadda joogo

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan deegaanka Ceel la-helay ee gobalka Galgaduud, ayaa ugu baaqay dadkii kunoolaa deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas in ay dib ugu soo laabtaan.

Waxa uu sheegay wasiirka in kooxda Al Shabaab ku qasabtay in ay barakacaan dadkii kunoolaa deegaannadan oo dhawwaan laga saaray, waxa uuna sheegay in ay ka shaqeenayaan sidii dadkii qaxay dib ugu soo laaban lahaayeen guryahooda.

Wasiirka ayaa sheegay ciidanka iyo guud ahaan dowladda inay u taagantahay caawinta iyo garab istaaga dadka deegaanka oo ay dib u dhigeen kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in ay ka shaqeenayaan sugida ammaanka deegaannadan laga saaray Al Shabaab.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dhawwaan Al Shabaab ka saaray deegaannada Ceel-helay iyo Ceel-garas, waxaana deegaannadan horey uga sii qaxay dadkii kunoolaa oo dib ugu soo laaban sidii ciidanka dowladda ula wareegeen deegaannadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo si weyn ugu mahad celiyay Shacabka Muqdisho

Cabdi Cade

Laftagareen oo Taageero u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo loo dhaariyay Xildhibaan aan dhicin iyo Mooshin laga gudbiyay oo fashilmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---