Somaliland oo mar kale ka hadashay kooxihii ay sheegtay iney ka tirsan yihiin ee Laascaanood galay, iyadoo faahfaahin ka bixisay meelihii ay ka yimaadeen.
Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Guddaha, ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah kooxahani ay kasoo dageen buuralayda Galgala ee Puntland, halka qaarna ay ka yimaadeen gobolada dhexe ee Soomaaliya, kadib markii dagaalo halka ka dhacay lagu jabiyay, iyo qaar ay sheegeen in uu xukumo Cabdimadoobe oo ah sarkaal reer Buuhoodle ah.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAMEYSTIRAN
War-saxaafadeed
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Waxay Marlabaad U Caddaynaysaa Shacabkeeda Iyo Beesha Calaamkaba Sida Joogtada Ah Ee Kooxaha Argagixisada Ahi Ugu Soo Qulqulayaan Magaalada Laascaanood.
Sidii Ay Horeyba U Caddaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Jsl, Taasoo Ahayd In Ay Magaalada Laascaanood Soo Galeen In Ka Badan 600 Oo Ka Tirsan Kooxaha Argagixisada Ah Wixii Ka Dambeeyey 25 Bishii August.
Hadaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jsl Waxay Maanta Bulshada U Caddaynaysaa Iyo Caalamkaba Meelaha Ay Ka Soo Galeen Magaalada Laascaanood Kooxaha Argagixisada Ah, Kuwaasoo Hadafkoodu Yahay In Ay Khalkhal Geliyaan Xasiloonida Geeska Afrika.
1- Kooxaha Argagixisada Ah Ee Soo Gaadhay Magaalada Laascaanood Iyo Buuhoodle Waxay Ka Soo Degeen Buuraha Silsilada Golis, Gaar Ahaana Buuraha Ku Xeeran Maamulka Goboleedka Pundland Ee Soomaaliya, Kuwaasoo Lagu MagAcaabo Galgala, Waana Meelaha Ay Ku Xoogan Yihiin Kooxaha Al-shabab Iyo Daacish.
2- Qaybta Labaad Ee Ka Tirsan Kooxaha Argagixisada Ah Ee Soo Gaadhay Laascaanood, Ayaa Ah Kuwo Ka Soo Guurey Gobolada Dhexe Ee Soomaliya, Sida Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe Iyo Meelo Kale Oo Ka Tirsan Koonfurta Soomaliya, Kuwaasoo Qaarkood Lagu Soo Jebiyey Dagaalada Ka Socda Somaliya.
3- Qaybta Saddexaad Oo Ah Kuwa Ugu Badan Ayaa Ka Soo Baxay Xeryo Tababar Oo Uu Leeyahay Abdi Madoobe Oo Ah Wakiilka Kooxda Al-shabaab Ee Buuhoodle. Xeryahan Tababarka Ayaa Ku Yaalla Degaanka Horufadhi Oo Ka Tirsan Buuhoodle Iyo Degaanka Shululux, Halkaas Oo Cabdi Madoobe Ku Soo Tababaray Boqolaal Dhallinyaro Ah Oo Uu Ka Dhaadhiciyey Fekerka Xagjirninada Ah Ee Al-shabaab.
Cabdi Madoobe Ayaa Ah Wakiilka Ururka Al-shabaab Ee Degaanada Buuhoodle Iyo Laascaanood, Waxaa Uu Ka Mid Ahaan Jirey Ilaaladii Gaarka Ahayd Ee Hogaamiyihii Ururka Al-shabaab Aadan Xaashi Caydhow, Waxaa Uu Ku Dhaawacmay Cabdi Madoobe Dagaaladii Muqdisho Ka Dhacay, Kuwaasoo U Dhexeeyey Kooxdii Maxaakiimta Islaamiga Ahayd Iyo Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho.
Cabdi Madoobe Iyo Kooxaha Kale Ee Argagixisada Ah Ayaa Wada Qorsheyaal Dagaal Oo Ka Dhan Ah Guud Ahaan Xasiloonida Geeska Afrika.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Waxay Qaadaysaa Tallaabooyin Dawladdimo Oo Lagu Xaqiijinayo Amniga Shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, Kuwaasoo Ay Ku Soo Duuleen Kooxaha Argagixisada Ah, Huwanta Iyo Maamulka Goboleedka Pundland Ee Soomaaliya, Waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Soo Afjaraysaa Duulaanka Lagu Soo Qaaday Xuduudeheeda Iyo Shacabkeeda.
Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jsl.