Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay saraakiisha ciidanka Gorgor (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo al-shabaab

Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda dagaalka ciidanka xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kula jiraan al-shabaab uu u leeyahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah oo la mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye.

“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay.” ayuu yiri Xassan Shiikh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saraakiisha ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada uu dagaalku socdo ayaa kula dardaarmay in ay dadaalkooda meeshiisa kasii wadaan ayna laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah al-shabaab  iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Iiraan oo lagu eedeeyey iney ka dambeysey Weeraradii Maraakiibta Shidaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Mucaaradka Abiy oo ka qeyliyey heshiiskii Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka oo gaartay go’aan niyad jab ku abuuray Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---