Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “Waxaa nasiib daro ah in hawlwadeenada xafiisyada Madaxda DF aysan tixgelin..”

Hawlgabka kala Dhantaalay Xafiiska Madaxweynaha iyo Xiriirka Dadweynaha

Shacabku waxey rumeysan yihiin in dowladdu tahay hayado ay milkiyadeeda iska leeyihiin, waxeyna waajib xaqa ugu leeyihiin madaxda dowladda iyo dalka oo ah adeegeyaal dadweyne iney si joogto ah ula socodsiiyaan xaaladaha ka jira dowladda iyo dalkaba, gaar ahaan waxaa qasab ku ah madaxweynaha in xaafiiskiisu u furan yahay xoojiyo ka warqabka xiriirka dadweynaha oo si dhaba loogu tixgeliyo falcelinta dareenkooda iyo cabirka ra’yigooda.

Marka ay dhacdo in xafiiska madaxweynaha uu albaabada ka xirto la socodka dadweynaha ay uga qeybqaadanayaan dadaalada laga dhexwado madaxtooyada ee dalka iyo dadka masiirkooda siyaasadeed lagu hogaaminayo, ayaa taas waxey dhalisaa iney kala xiriirfurtaan madaxweynaha iyo shacabka oo ay ka dhexcurato saluug iyo ku qancid la’aan ay dadweynuhu ku qabaan hogaanka dalka oo shacabku aysan talowadaag kula ahayn sida loo maamulayo danaha masiiriga ah ee maslaxadooda guud.

Soomaaliya waxey ku dhawaaqday in dalkeedu uu galay dagaal, waxeyna madaxda dalka iyo dowladuba ay xirteen tuutooyinka astaanta u ah dagaalka, iyagoo jiida hore ee furimaha dagaalka ka soo muuqday, islamarkaasna ciidanka ku wehlinaya goobaha dagaalka, waxeyna taas ay dowladda dalka u jiheysey iney noqoto hal wasaarad keliya oo ah gaashaandhiga, waxeyna hawlihii kale ee dowladda ay noqdaan kuwo hawlgaba oo jiritaankoodu ay yihiin kuwo magacuyaala, waxaana sidaas uu u kala dantaalmay adeegyadii xaafiisyada madaxda dowladda iyo ku xirnaanta shacabka oo uu xiriirkoodu dhumay.

Marka ay sidaas dhacdo waxaa xaqiiq noqoneysa hubanti la’aanta lagu qabo wararka dowladdu maamuleyso, xaaladaha iyo dhacdooyinka ay dowladu qiimeyneyso, dareenka xaaladaha deg dega ah iyo awood wax looga qaban karo, iyo sida loogu kalsoonaan karo in eedaha loo soo jeedinayo dowladda wax ka qabashadeeda looga warwareegto, iyadoo gabaad looga dhiganayo ku gambashada dagaalka dalku ku jiro awgeed in tanaasul looga dhigto ineysan munaasab ahayn tixgelinta wax ka qabashadooda.

Iney dowladdu weyso ka qeybgalka iyo wada shaqeynta shacabka waxey ka dhigan tahay halis hogaamineed oo xiriirka dadweynaha ka go’doomineysa xuduudaha ay madaxdu xayndaabka isugu xeereen xeryo lama galaana, waxeyna xirrirxumadaaas ay keeneysaa in la arki waayo oo la dhegeysan waayo oo la dareemi waayo oo laga horyimaado fahamka siyaasadeed ee madaxdu ay naftooda keliya ku qanacinayaan iney ku saxan yihiin oo ay isaga dhaadhicinayaam islaqumanaantooda aysan dadka kale la qabin.

Dadku marka ay ka aamin baxaan madaxdooda waxaa sii adkaaneysa xaaladaha adag ee dalka ka jira in dib loogu soo celiyo xaalad degen ama in la helo xasaradaha siyaasadeed in si sahlan loo xakameeyo, waxeyna taas meesha ka saareysaa dadaalo kasta oo ka dabataga oo sawiro qurxoon looga bixinayo in wixii horay u dhacay lagu suurad wanaajiyo, waxeyna taas sidoo kale ay dareen xasaasiya oo nugul ay ku cabireysaa farshaxan kasta oo dib loogu soo celinayo kalsoonida shacabka ay horay dowladdu u dhumisay.

Marka ay dowladdu dhumiso xiriirka kala dhexeeysa kalsoonida uu shacabku ku qabo, ayaa waxa keliya ee madaxda dowladda u furan waxey noqoneysaa in tilaabo kasta oo ay qaadeyso ay u marto iney ku xaliso ku meel marinta xaalad deg deg ah, taas oo ay ka curan karto kacdoono wata mowjado looga soo horjeedo xukunka deg dega ah oo aan cimri dheer sii jiri karin ku dhaqankiisu, waxeyna tilaabadaas ay ku dhiirogelineysaa saamileyda siyaasadeed iney qaataan doorkooda ay ku samatabixinayaan xasiloonidarrada siyaasadeed ee dalka ka jirta.

In xafiisyada madaxda dowladda laga waayo xiriirinta dadweynaha iyo in shacabku ay madaxdooda si daahfurnaaan leh ay ula wadaagi kari wayaan dareenkooda iyo talooyinkooda ayaa waxey taasi tilmaan buuxda horudhaca ugu tahay siyaasadxumada ka jirta xaafiisyadaas iyo taloxumada ay keentay maalxumada ka dhalatay hawlgabka ku yimid hawlwadeenada u xilsaaran latalinta madaxda ee arrimaha bulshada, waxeyna sababahaas ka dhigaan xafiisyada madaxda kuwo faaruqa oo aysan wax hawla ka socon kadib marka ay madaxdu hawlo shaqo uga maqan yihiin xaafiisyadooda.

Dalku si kasta oo uu dagaal adag ugu jiro waxaa lagama maarmaan ah in xafiisyada madaxda dowladda ay sida caadiga ah u gutaan hawlahooda ku saleysan nolol maalmeedkooda, ayna xoojiyaan xiriirinta ay xafiisyadaas la leeyihiin wada shaqeynta shacabka, islamarkaasna ay fursad u siiyaan siyaasiyiinta madaxabanaan oo qeybaha kala duwan ee bulshada ka soo kala jeeda iney si sahlan ugu fududaato soo gelida xaafiisyadaas, iyagoo xirriirka ay la leeyihiin xaafiisyadaas aysan waxba u dhimin maqnaasha madaxda ay ka maqan yihiin xaafiisyadooda.

Madaxda sare ee dowladda xafiisyadoodu ma  ahan iney u shaqeeyaan oo keliya iney soo galaan oo keliya cida ay iyagu u yeertaan oo keliya, waxeyna taas ay hawlaha xafiiska ka dhigeysaa mid hal dhinac oo keliya uu xiriirku ka socdo, taas oo meesha ka saareysaa habdhaqankii xiriir isweydaarsiga ku dhisnaa ee looga baahnaa in ay xaafiisyada dowladda uga shaqeeyaan si ay talooyin wax isweydaarsiya ay isku dhaafsadaan madaxda iyo shacabka ay hogaaminayaan.

Dalabka ay dadweynuhu ku doonayaan iney la kulmaan madaxdooda waa rabitaan u baahan in si qadarin leh loo tixgeliyo, waxeyna taas salka ku haysaa in danaha baahida dadka ay ugu imanayaan xaafiisyada madaxda dowladda ay la miisaan noqoto danaha madaxdu ay uga baahan yihiin la kulanka dadka ay sida gaarka ah ay u rabaan, taas oo si isku mida isgu dheelitireysa siyaasadaha ku saleysan dano isweydaarisga ee xaafiisyada dowladda ay ugu wada baahan yihiin iney ugu wada qabtaan adeegyada ay sida gaarka ah ay ugu kala daneynayaan madaxda iyo shacabka.

Waxaa nasiibdaro ah in hawlwadeenada ka shaqeeya xaafiisyada madaxda dowladda aysan tixgelin siin codsiyada dadweynaha uga imanaya, waxeyna sidaas iney dhacdo ay sabab uga dhigaan iney la socdaan ineysan madaxdoodu rabin qof aysan iyagu danahooda u dalban ineysan rabin inuu yimaado xaafiisyadooda, sidaas daradeedna ay qiil ugu helaan in xaafisyada madaxda dowladda ay u furan yihiin oo keliya cida madaxdoodu ay rabaan iney la kulmaan oo keliya, sidaasna ay xaafiisyada madaxda albaabadoodu uga xiran yihiina dhamaan shacab weynaha kale oo aan ku imaan rabitaanka madaxdooda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Guddoomiye Siidow oo shaaciyey sabab yaab leh oo ka dambeysay dagaalkii Wanleweyn

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo labo arrin oo muhiim ah kala hadashay Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Mareykanka oo qaatay go’aan ka farxiyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan

Caydiid Ali