Allbanaadir.com
NEWS

Magaallo keliya oo kutaalla Liibiya oo ku dhinteen in ka badan 5,200 oo qof kaddib markii..

Bariga dalka Liibiya waxaa ku dhuftay duufaanta Daniel, taa oo sababtay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur dhismayaal, waxaana sii kordhaya khasaaraha uu reebay duufaantan.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Libya, Tariq Al-Kharaz, ayaa sheegay dhibaato xooggan ka dhalatay duufaanta ku dhufutay dalkaasi, waxa uuna xusay in ay socdaan gurmadka loo sameenayo dadka waxyeeladu gaartay.

Waxa uu sheegay afhayeenka  in magaallada Derna oo keliya ay ku dhinteen 5,200 oo qof, halka 1,300 oo dheeraad ka ah tiradaasi ay aasteen qoysaskooda markii ay maydadkaasi aqoonsadeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in tirada guud ee dhimashada ee magaalladda Derna laga cabsi qabo inay gaarto in ka badan 10,000 oo qof, waxa uuna xusay in ay jiraan meydad badan oon weli la helin looguna jiro baadigoob .

Duufaanta Daniel ayaa Axadii la soo dhaafay ku habsatay Bariga dalka Libya, waxa ayna duufaantan noqotay musiibo ku habsatay dadka Liibiya , gaar ahaan magaalooyinka ay ku dhufatay ay ugu horeeyaan  Derna, Benghazi, Al-Bayda, Al-Marj iyo Sousse.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo war cusub ka soo saaray gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo kormeeray taliska ciidanka difaaca Puntland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Ruushka oo aqbalay in shacab go’doonsanaa laga saaro Magaalada Mariupol

Caydiid Ali
Taboola Ads ---