Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa caalamka ayaa weerar qorsheysan ku dilay xubno katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanno kuyaalla gobolka Galgaduud.
Wasiir ku xiigeenka wasaaradda amniga maamulka Galmudug, Cali Baashi Cabdulaahi (Gacanbir) ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn ka dhacday inta u dhaxeysa Ceelgaras iyo Ceel-lahelay lagu dilay xubno katirsanaa Al Shabaab.
Waxa uu sheegay wasiirka in xubnaha la dilay uu ku jiro Khaliif Gaambe uu xusay in uu katirsanaa Al Shabaab, waxa uu intaa ku daray in sargaalkan lala dilay xubno kale ay ku jiraan saraakiil oo katirsanaa Al Shabaab.
Wasiir kuxigeenka amniga Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in weerarka lagu gubay labo gaari oo nuuca dagaalka ah oo loo yaqaan Cabdi Bile , kuwaa ay saarnaayeen dagaalamayaal badan oo katirsanaa Al Shabaab.
Weerarkan lagu dilay xubnahan katirsanaa Al Shabaab ayaa imaanaya xilli dhawwaan duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhacday aagaasi lagu dilay saddex sargaal oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta gobolka Galgaduud.