Madaxwayne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay magacaabista xoghayaasha cusub ee maamulka Khaatumo ee xalay lagu dhawaaqay.
Axmed Karaash ayaa sheegay isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca maamulka Puntland uu soo dhaweenayo hambalyana u dirayo xoghayayaasha cusub ee golaha fulinta SSC-Khaatumo.
Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa cadeeyay in maamulkooda si buuxda u garab taagan yihiin maamulka Khaatmo ayna diyaar ula yihiin nooc kasta oo kaalmo ah oo ay uga baahdaan Puntland.
”Aniga oo ku hadlaya Afka dowladda iyo kan Shacabweynaha Puntland waxaan soo dhoweynayaa islamarkaana hambalyo u dirayaa Xoghayayaasha cusub ee Golaha Fulinta SSC-Khaatumo. Waxaan u cadaynaynaa cid walba oo danaynaysa in dowladda Puntland ay si buuxda u garab taagan tahay SSC-Khaatumo, isla markaana aan diyaar ula nahay noockasta oo kaalmo ah oo ay u baahdaan” ayuu yiri Axmed Karaash.
Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay gudato waajibaadka ka saaraan deegaanadaasi oo iyagu xuddun u ah midnimada iyo Wadajirka Ummada Soomaaliyeed sida uu tilmaamay.
Maamulka Puntland ayaana taageero iyo garab istaag u muujiyay maamulka Khaatumo ee looga dhawaaqay gobolada Sool, Sanaga iyo Ceyn, waxaana xusid mudan in Puntland deegaannadaasi aaminsan tahay in maamulkooda hoos tago.