Allbanaadir.com
NEWS

Xubnaha Golaha Fulinta Khaatumo oo lagu dhawaaqay iyo Puntland oo ka hadashay

Maamulka cusub ee Khaatumo State ee dhawwaan lagu dhisay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa ku dhawaaqay sagaal xoghaye oo noqonaya golaha fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa qoraal uu soo saaray ku dhawaaqay sagaalka xubnood ee noqonaya golaha fulinta maamulka Khaatumo State.

Xoghayaasha la magacaavay ayaa kala ah:

  1. Mudane Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada
  2. Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
  3. Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta
  4. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda
  5. Mudane Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka
  6. Mudane Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
  7. Mudane Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga
  8. Mudane Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  9. Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska

Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyay magacaabista xoghayaashga maamulka Khaatumo, qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaana loogu hambalyeeyay xubnaha cusub ee la magacaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo hal sabab darteeda gunnada laga jarayo

Cabdi Cade

Akhriso Magacyada :Guddiga Dib u Heshiisiinta Galmudug oo la magacaabay

Cabdi Cade

Ciidamada booliiska oo saakay Muqdisho ku xiray Wariyaal iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---