Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw lagu weeraray xero ciidanka xasilinta ee loo yaqaan booliisa milataare ku lahaayeen degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaan dhista Siisii oo kutaalla agagaarka aargada.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in gaari ordaya oo qaraxyo laga soo buuxiyay hal mar lagu dhuftay xerada ay ciidanka degnaayeen, waxaana qaraxa kaddib halkaasi ka bilaabatay rasaas ay ridayeen ciidanka xasilinta.
Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxa, waxaana aaga uu ka dhacay weerarka ismiidaaminta ah xiray ciidanka ammaanka oo diiday in loo soo dhawaado.
Dadka deegaanka ayaana soo sheegayaa in qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay guryo ku dhaw dhaw xerada la weeraray, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ee loo yaqaan ambalaasta.
Waxii war ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah.