Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore DDSI oo codsi u diray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, oo markii sadexaad lasoo taagay Maxkamad kutaala magaalada Adis Ababa ayaa codsi u diray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar, oo markii sadexaad lasoo taagay Maxkamad dacwadaha loo heesto qaadeysa ayaa ka codsaday Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed in uu cafiyo isaga iyo dadka kale ee la eedeesan.

Waxa uu codsaday Madaxweynihii hore Soomaalida Itoobiya in fariinta cafiska la gaarsiiyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxa uuna sheegay in lagu jiro waqtiga is cafinta uuna rajeenayo in baaqooda gaaro Ra’isul Wasaaraha.

Madaxweynihii hore DDSI oo xabsi ku jira ayaa loo heestaa dambiyo dhinaca bini’aadamka la xariira, waxaana loo heestaa Cabdi Maxamuud iyo xubno katirsan maamulkiisa dhibaatooyin badan ay shacabka u geesteen intii ay maamulka hayeen.

 

Related posts

DF & dowlad goboleedyada oo Shir heer Wasiir ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Warar sheegaya in la dilay hogaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo War ka soo saaray khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---